UW Medicine Department of Obstetrics and Gynecology main logo

Talaalka COVID-19 wuxuu Difaacayaa Adiga iyo Canuuggaagaba Marka aad Uurka leedahay iyo inta aad Naasnuujinaysaba

Dadka uurka leh waxay khatar dheeraad ah ugu jiraan dhibaatooyin iyo dhimasho uu ku sababo COVID-19.

Kaddib cilmibaaris xoog badan, Talaalka COVID-19 waxaa hadda si adag loogula talinayaa dadka uurka leh iyo kuwa naasnuujinaya ayada oo ay kula talinayaan CDC, iyo tobanaan kun oo ah dhaqaatiirta hooyada iyo dhalaanka, umulisooyin, dhaqaatiirta qoyska iyo daryeelbixiyeyaal kale oo qaabilsan dhalmada.

Marka laga eego caafimaadkaaga iyo kan canuggaaga, in macluumaad sax ah la hayo ayaa ah mid muhiim ah. TMacluumaadkaan waxaa lagu daray cilmibaaristii ugu danbaysay ee lagu sameeyay badqabka talaalka, uurka iyo COVID-19. Hel dhammaan jawaabaha su’aalahaaga, ayada oo ay kaa shaafinayaan xirfadleyaal caafimaad, ayaga oo la xiriirinaya cilmibaaris la xaqiijiyay.

Su’aalaha Inta badan La isweydiiyo

Badqabka iyo Khataraha Talaalka
Expand to read FAQ answer
Sideen ku xaqiiqsan karaa in talaalka COVID-19 uu ammaan u yahay aniga iyo canuggayga?

Daraasado fara badan oo ay kujiraan kumanaan lagu sameeyay shakhsiyaad uur leh iyo kuwo naasnuujinaya ayaa muujinaya in tallaalada COVID-19 ay yihiin kuwo ammaan ah oo waxtar leh. In ka badan 100,000 oo ah shakhsiyaad uur leh oo ku sugan Maraykanka ayaa horey u qaatay mid kamid ah talaalada COVID-19.

Waxaan kusoo darnay shaxda Google Doc oo is wadata taasoo soo  koobaysa natiijooyinka laga ogaaday badqabka talaalka COVID-19 ee xiliga  uurka kuwaas oo laga keenay in ka badan 25 daraasadood oo laga sameeyay  wadamo kala duwan kuwaas oo ay kujiraan in ka badan 315,000 oo haween uur leh  ah. Guud ahaan, majirin saamayn waxyelo leh oo talaalka COVID-19 ku  uu ku leeyahay uurka marka la eego natiijooyinka laga helay  daraasadahaan. Daraasadaha qaar waxaa lagu ogaaday in dumarka laga talaalay  COVID-19 ay yarayd khatartooda ku saabsan dhiciska, dhimashada ilmaha  caloosha kujira, ilmaha oo yar, ama in ay dhalaan canug u baahan in la geeyo  qaybta xaaladda degdega ah ee caruurta markaas dhalatay. Tan ayaa la micno ah in daraasadahaan lagu ogaaday in talaalka  COVID-19 uu kaalmeeyay natiijooyinka ka dhalanaya caafimaadka xiliga  uurka. Haddii aad akhriso dukumiintigaan, wuxuu isticmaalayaa ereyo la  soo gaabiyay si loogu qeexo natiijooyin fara badan oo uurka ku saabsan kuwaas  oo la daraaseeyay. Waa kuwaan waxyaabaha qaar kamid ah micnahoodu yahay. "PTB" micnaheedu waa dhalashada dhiciska taasoo dhacda  ugu yaraan 3 todobaad kahor xiligii uurka loogu tala galay ee la filayay. "NICU" waxay u taagan tahay qaybta xaaladda degdega ah  ee caruurta markaas dhalatay. "SGA" micnaheedu waa in uu dhasho ilmo ka yar sidii la  filayay ayada oo lagu salaynayo wakhtiga uurka (da’da ilmuhu caloosha  kujiray) marka canuggu dhasho.

Waad ku mahadsan tahay Viki Male, Bare Difaaca Taranka ka dhiga  Imperial College London cusboonaysiintaada dukumiintigaan.

Isha:
https://docs.google.com/document/d/19FNXcmdI0MU6RPmvKYo_g9zEWPKl2-l760OX_8zww3E/edit


Talaaldu ma yihiin kuwo ammaan ah markii aad uur leedahay?

Haa. In aad qaadato talaalada xiiqdheerta iyo hargabka marka aad uurka leedahay ayaa lagu tala bixinayay tobanaan sano waana qayb caadi ah oo kamid ah ilaalinta caafimaadka uurka. Talaalka ka dhanka ah COVID-19 ayaa sidoo kale hadda aad loogu talainayaa.

Isha:
CDC: Talaalada Inta lagu jiro iyo Kaddib Uurka

Waxaan badbaadiyay qoyskayga ilaa hadda aniga oo xiranaya maaskaraha, gacmaha dhaqanaya, samaynayana kala fogaanshaha bulshada. Maxay tahay sababta ay wali muhiimka u tahay in aan iska talaalo COVID-19?

Waa su’aal wanaagsan! Kumanaan dadka Maraykanka ah ayaa nasiibdarro ay layaab ku noqotay markay qaadeen COVID-19 inkasta oo ay aad u taxaddareen. Waa ay adagtahay in la xakameeyo khatar kasta oo imaan karta khaasatan marka maaskaruhu uusan ahayn mid bulshada oo dhan ay ka siman tahay. Nooca Delta ee COVID-19 waa mid aad u faafa laba jibaarna ka faafi og xanuunkii hore ee COVID-19. Waa mid u faafaya sida busbuska. Marka la eego khataraha uurka ee COVID-19 iyo badqabka talaalada  COVID-19, waxaa si aad ah loogu talinayaa in aad is  talaalsho marka aad uurka leedahay ama marka aad naasuujinayso. Kani waa qaabka ugu wanaagsan ee aad ku ilaalin karto naftaada  iyo qoyskaaga.

Saamaynada xunxun ee talaalka COVID-19 ma kuwo u daran baa  dumarka uurka leh?

No. Commonly reported side effects across the different types of vaccines include fevers, fatigue, headaches, and body aches which is the same side effect profile for non-pregnant persons. Interestingly, a study of nearly 8,000 pregnant women found that there were fewer reports of side effects, like fever and muscle pain, compared to non-pregnant women.

Isha: JAMA Network Open:  Falcelinada Muddada gaaban ee Shakhsiyaadka Uurka leh iyo kuwa Naasnuujinaya ee Hirka Koowaad ee Bixinta Talaalka COVID-19

Talaalka COVID-19 ma sababi karaa cillad dhanka dhalmada ah?

Maya. Ku dhawaad 3-5% ee caruurta Maraykanku waxay ku dhashaan cillad dhalmada ah sannad walba. 1,612 dumar ah oo qaadanaya talaalka COVID-19 inta ay uurka leeyihiin, 45 ayaa qabtay cillad dhanka dhalmada taasoo ah heer gaaraya 2.7%. Arintaani waa wax aan sida caadiga ah filan karno mana muujinayso wax xiriir ah oo ay la leedahay talaalka COVID-19.

Isha:
March of Dimes: Cilladaha Dhalmada Iyo Canuggaaga
Kulanka Qorshaynta Talaalka COVID-19 ee CDC Awardee

Talaalka COVID-19 ma sababi karaa dhicis ama dhimashada ilmaha caloosha kujira?

Maya. Qiyaasta caadiga ah ee dhiciska uurku waxay u dhaxaysaa 11% ilaa  22%. Daraasad daba socota 2,456 dad uur leh ah kuwaas oo qaatay talaalka COVID-19, dhicisku wuxuu gaarayay 12.8%. Arintaani waa waxa sida caadiga ah ay tahay in aan filano.

Isha:
• American College of Obstetrics and Gynecology: In Vitro Fertilization and Early Pregnancy Outcomes After COVID-19 Vaccination
• The New England Journal of Medicine: Talaalka Covid-19 inta lagu jiro xiliga Uurka iyo Saddexda Bilood ee Koowaad ee Dhiciska
• JAMA Pediatrics: Dhiciska Degdega ah ee Daba socda Talalaka COVID-19 inta lagu jiro COVID-19

Ma dhici kartaa in mid kamid ah talaalada COVID-19 uu badalo hidda sidahayga (DNA-dayda), ma igu dhajin karaa aalad (microchip) amase gacantayda ma ka dhigi karaa mid birlab ah?

Ma jiro mid kamid ah talaalada COVID-19 oo hidda-sidahaaga (DNA-daada) badalaya. Marna ma gaarayaan bu’da unugga, taasoo ah xarunta maamulka unugga halkaas oo hidda sidahaagu (DNA-daadu) ku nooshahay.

Ma jiro mid kamid ah talaalada COVID-19 oo ay kujirto aalad (microchip) ama gacantaada ka dhigaya bir lab. Kuwaani waa quraafaad.

Ma isla qaadan karaa talaalka COVID-19 iyo talaalada iskumar?

Haa. Hanaanka difaacu waa mid aad xirfad ugu leh in uu samaysto antibody-yada difaaca ee ka dhanka ah talaalada ama caabuqyada kala duwan wakhti iskumid ah. Talaalada xiliga uurka ee caadiga ah sida hargabka iyo TdAP (teetanada/gowracatada) ayaa lagula talinayaa dhammaan dadka uurka leh waxaana si ammaan ah lala qaadan karaa talaalada COVID-19.

Sidee talaalka COVID-19 u difaacayaa canuggayga haddii aan naasnuujinayo?

Caanaha naasku waa kuwo nafaqo kaliya kasii fiican waxaana in badan lagu yaqaanay in ay caruurta ka ilaaliyaan caabuqyo badan ayaka oo u gudbinaya antibody-yo difaac ah kuwaas oo canugga uga imaanaya hooyada. Daraasado badan ayaa muujiyay in caanaha naaska ka imaanaya shakhsiyaadka iska talaala hargabka inta uu uurka leeyahay ay wataan antibody-yo difaac oo loo gudbin karo canugga. Daraasadihii ugu danbeeyay waxay muujinayaan in antibody-yada difaaca ee ka dhanka ah COVID-19 lagu gudbiyo caanaha naaska kaddib talaalka COVID-19.

Isha:
PLoS ONE: IgA iyo Baabi’inta Antibody-yada Fayraska Hargabka A ee kujira Caanaha Bili’aadanka: Tijaabo Lagu nasiibsanayo oo ku saabsan Talaalka Hargabka xiliga Uurka
• Science Translational Management: Talaalada COVID-19 ee mRNA-ga ka samaysan waxay soo saaraan tusmooyin waxqabadka Fc- oo ah Antibody-yo kala duwan oo ku imaanaya dumarka uurka leh, kuwa nuujinaya, ama aan uurka lahayn
• Talaalada: Talaalka COVID-19 mRNABNT162b2 Elicits Jawaabta Antibody-ga Bili’aadanka ee kujira Caanaha Dumarka Naasnuujinaya
• JAMA Pediatrics: Ururka Gudbinta Antibody-ga ee Caanaha Bili’aadanka, Adkaysiga, iyo Awoodda Baabi’inta Caabuqa SARS-CoV-2 marka loo barbardhigo Talalaka mRNA (Association of Human Milk Antibody Induction, Persistence, and Neutralizing Capacity With SARS-CoV-2 Infection vs mRNA Vaccination)

Waxaan ka welwelsanahay in shirkadaha daawooyinka sameeya ay ku degdegeen soo saarista talaalka ayaka oo dhaqaale ka raadinaya. Maxay tahay sababta aan u aaminayo in talaalku yahay mid ammaan ah?

Talaalka COVID-19 waxaa loo soo saaray si dhakhso ah, laakiin tijaabooyinka dhanka caafimaadka ee lagu tijaabiyay badqabkiisa iyo waxarkiisa laguma degdegin. Soosaarista talaalka iyo tijaabintiisu waxay inta badan qaadataa sannado sababtoo ah waxaa jira dhibaatooyin dhanka meelmarinta iyo maamulka ah oo wahti badan qaata. Ayada oo ay sabab u ahayd baahida dadweynaha ee riixaysay, caqabadahaan maamulka wa lasoo yareeyay ayada oo aan laga tagayn bilihii badnaa ee loo baahnaa in lagu sameeyo tiaabooyin adag. Iyo ayada oo shirkaduhu lacag ka sameeyaan talalaada, inta badan waa kuwa ugu faa’iidada yar marka loo barbardhigo daawooyinka kale sida Viagra (feegada).

Waxaan fahamsanahay in ay adagtahay in la aamino shirkadaha daawooyinka sameeya, khaasatan marka la eego kaalinta ay ku leeyihiin dhibaatada opioid-ka ee hadda jirta. Si kastaba ha ahaatee, talalku wali kharash gaar ah kuguma lahan waana talaabo muhiim ah oo aad ku ilaalinayso caafimaadkaaga iyo canuggaaga, Si lamid ah qaadashada daawooyinka hooyada uurka leh loogu tala galay iyo baaritaanada taam ahaanshaha.

Waxaa jira macluumaad fara badan oo iska hor imaanaya oo ku saabsan badqabka talaalka. Sideen ku sheegi karaa waxa saxda ah?

Waxaa onleenka kajiray macluumaad badan oo iska hor imaanaya,  khaasatan warbaahinta. Waxaan ku talinaynaa in la raaco tabaha fashilaadda wararka been abuurka ah ee soo jireenka ahaa:

1. Marka ugu horaysa, garo isha macluumaadka aad arkayso. Ma tahay il la isku halayn karo? Ishu ma katimid urur si wanaagsan u diyaarsan, saynis ahaan la isku halayn karo sida CDC, American College of Obstetrics & Gynecology ama, Society for Maternal and Fetal Medicine iyo wixii lamid ah. Haddii ishu ka imaanayso shakhsi, waa maxay isku halayntiisu? Hadday adagtahay in la qiimeeyo, markasta waad u fasaxan tahay in aad weydiiso bixiyahaaga dahqatarka hooyada iyo dhallaanka.Waxay kujiraan kooxda daryeelkaaga waxayna ku faraxsan yihiin in ay kaa caawiyaan in aad hesho macluumaad sax ah oo la aamini karo oo ku saabsan talaalka COVID-19.

2. Hel warbixin ku saabsan mowduuca oo ka imaanaysa ilo fara badan. Maxay khubaradafaraha badan, warbixinada, iyo ururadu ka leeyihiin mowduuca? Boggaan, waxaan dhammaan jawaabaha yaga u tixraacnay daraasado saynis ah iyo talooyin ka imaanaya bulshooyin caafimaad oo aad la isugu halayn karo. Kumanaan shakhsiyaad uur leh iyo kuwo nuujinaya ah ayaa ka qaybqaatay daraasadaha.

Bulshadaydu waxay la kulmaysay midab takoor kajra hanaanka daryeelka caafimaadka. Sideen ku aamini karaa talooyinka hay’adaha caafimaadka si aan u qaato talaalka COVID-19 ayada oo ay caddahay dhaqamada aan hufnaanta lahayn ee soo kireenka ahaa sida ku tijaabinta dadka Madow, Latinx, bulshooyinka Asalka ah iyo Aasiyaanka Maraykanka ah ee ku nool Maraykanka?

Midab takoorku waa cadaaladdarro weyn iyo guuldarro dhanka taageridda caafimaadka bulshada nala ka rabo in aan u shaqayno. Waxaan garowsannahay tabashooyinkaaga dhabta ah ee ku saabsan talaalka COVID-19 maadaama ay jirto in aad lasoo noolaatay midabtakoor kajira hay’ad caafimaad iyo bixiyaha daryeelka caafimaadka. Waxaan ka welwelsanahay heerka aadka u sareeya ee COVID-19, dhibaatooyinka iyo dhimashooyinka la xiriira bulshooyinka aan caddaanka ahayn. Waxaan rajaynaynaa in kordhinta heerka talaalka, khaasatan shakhsiyaadka uurka leh, in arintaanu ay difaaci doonto adiga iyo ilmahaaga. Waxaan rajaynaynaa in aad ku xirnaanto xubin qoyska ah oo aad aaminsan tahay, hogaamiyeyaasha bulshada iyo bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka si aad wax uga barataan khibradaha ay u leeyihiin talaalka COVID-19. Waxaan aad ugu talinaynaa qaadashada talaalka COVID-19 marka aad uurka leedahay ay difaac u noqonayso adiga iyo canuggaagaba.

Khataraha Cudurka COVID-19 Xiliga Uurka
Expand to read FAQ answer
Hooyadu ma u gudbin kartaa canugga fayraska sababa COVID-19 xiliga uurka?

Haa. Daraasad lagu sameeyay 3,750 ilmood oo ay dhaleen shakhsiyaad uur leh oo qaba COVID-19, 8.1% oo kamid ah ilmaha dhashay waxaa laga helay COVID-19.

Isha:
CDC: COVID Data Tracker

Waa maxay khataraha COVID-19 ee xiliga uurka ama islamarka aan dhalo?

Shakhsiyaadka uurka leh ama dhawaan uurka lahaa ee qaada COVID-19 waxay khatar badan ugu jiraan in ay u dhintaan. in isbitaal la dhigo, in ay u baahdaan in ay tuubo ku neefsadaan, ama ay dhiciyaan ama ilmuhu ka dhinto inta uu caloosha kujiro. Muddo gaaban, 15 dumar uurleh ah ayaa u dhintay COVID-19 gudaha Mississipi kaligeed 8 kamid ah dhimashooyinkaasuna waxay ku dhaceen bilo yar gudahood intii lagu jiray xiligii uu xooganaa nooca Delta 2021. In miisaankaagu bato bilowga uurka ama in aad qabto cudurka sonkorowga waxay sii kordhinaysaa katarahaan. Guud ahaan, shakhsiyaadka uurka leh ee qaba COVID-19 waxay 22 jeer uga dhowyihiin in ay xiliga uurka dhintaan marka loo barbardhigo dadka aan uurka lahayn.

Marka dadka uurka leh ay la xanuunsadaan COVID-19 ayna u  baahdaan neefsiiye, mid kamid ah qaababka wax looga qaban karo neefsigoodu  waa in ay ilmaha dhalaan. Tan micnaheeda ayaa ah in dhalidda canugga asaga oo aan shin dhammaysan (todobaadyo ama bilo u harsan yihiin) ay qofka uurka leh ka caawin karto in uu badbaado, laakiin waxay ka go’an tahay caafimaadka canugga. Hal daraasad ayaa heshay in shakhsiyaadka uurka leh ee aan talaalnayn ee qaba COVID-19 ay lahaayeen heer dhicis oo 59% ka badan marka loo barbardhigo kuwa aan qabin COVID-19. Dhalashada dhicisku waa mid khatar ku ah canuggaaga waxayna u horseedi kartaa dhibaatooyin culus oo ay kamid yihiin naafanimo dhanka garaadka iyo jirka ah, in uu in badan kujiro NICU, iyo xataa khatar dhimasho.

Isha:
• CDC:  Talaalka COVID-19 ee loogu tala galay Dadka Uurka leh si Looga hortago Xanuun  Daran, Dhimasho, iyo Natiijo Xun oo Uur oo ka dhalata COVID-19
• WJTV: 72 caruur aan wali dhalan ah, 15 dumar uur leh ah ayaa u dhintay COVID-19 gudaha Mississippi
CDC: Dadka qaba Xaaladaha Caafimaad ee Gaarka ah
• JAMA Pediatrics: Dhibaatooyinka caafimaad iyo Dhimashada Hooyada iyo Uurjiifta ee ku yimaada Dumarka Uurka leh ee Qaba iyo kuwa Aan qabin Caabuqa COVID-19

Cudurka COVID-19 ma sababaa dhiciska?

Haa. Marka dadka uurka leh ay la xanuunsadaan COVID-19, waxyeeladu waxay ka dhici kartaa madheerta. Dadka uurka leh ee uu COVID-19 ku dhaco waxay khatar laba jibaar ah ugu jiraan dhicis marka ay qabaan nooca hore ee SARS-CoV-2. Nooca Delta waxaa lala xiriiriyay in uu khatar 4x jibaar ah ku leeyahay dhiciska. Fayrasyo heer sare leh ayaa laga helay uurjiifta dhiciska ku dhalata xaalado badan kaddib markii hooyada uu COVID-19 ku dhacay.

Talooyinka Talaalka
Expand to read FAQ answer
Waa maxay wakhtiga ugu wanaagsan ee qofka uurka leh uu is talaalayo?

Mar kasta, in uu wakhti hore is talaalo ayaana wanaagsan!  Waa mid ammaan kuu ah adiga iyo canuggaaga in aad qaadato talaalka COVID-19 inta lagu jiro marxalad kasta oo uurka ah. Ayada oo ay jiraan khataraha uurka COVID-19 iyo dhibaatooyinka caafimaadkaaga iyo caafimaadka ilmahaaga, hadba sida aad wakhti hore isu talaasho, waxay difaacaysaa labadiinaba.

Waa maxay talooyinka hadda jira ee ku saabsan talaalka Johnson & Johnson?

Waaxda  Caafimaadka Gobolka Washington (Washington State Department of Health) (DOH)  waxay dadka da’doodu tahay 18 iyo kasii weyn kula talinaysaa in ay doortaan  in ay qaataan talaalka COVID-19 ee mRNA-ga ah (Pfizer-BioNTech ama Moderna) Baddalkii talaalka halka mar la qaato Johnson & Johnson (J&J) ay qaadan lahaayeen. Macluumaadkaan cusub wuxuu daba socdaa tilmaamaha iyo talooyinka ka imaanaya Guddiga La talinta Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurka ee Habraacyada Talalaka (Centers for Disease Control and Prevention’s Advisory Committee on Immunization Practices) (ACIP) iyo Western States Scientific Safety Review Workgroup. Shakhsiyaadka jecel in ay talaalka J&J qaataan waxaa lagu dhiirigalinayaa in ay bixiyahooda daryeelka caafimaadka la xiriiraan si ay uga wada hadlaan khiyaaraadkooda ayada oo J&J wali la heli karo.

Talada doirbididdu waxay daba socotaa xog cusub oo loosoo bandhigay ACIP taasoo ku saabsan xanuunka dhiig xinjirowga iyo yaraanta dhiiga nooca plateletska, ama TTS. TTS waa xaalad dhif iyo naadir ah laakiin khattar ah taasoo la xiriirta xinjirowga dhiigga iyo dhiigga nooca plateletska oo yaraada taasoo lagu arko qaar kamid ah dadka qaata talaalka J&J. Si kastaba ha ahaatee, khattartu waa mid dhif iyo naadir ah. Guud ahaan waddanka, 54 xaaladood oo TTS ah, oo ay kujiraan sagaal dhimasho oo la xaqiijiyay, ayaa la soo sheegay, taasoo ah jajabka boqoleyda 14 milyan oo ah J&J la bixiyay. Ayada oo TTS lagu arkay labadaba ragga iyo dumarka, kooxda khattarta ugu badan ugu jirta ayaa ah dumarka da’doodu u dhexayso 30 ilaa 49. Dadkii qaatay talaalka J&J ee yeesha madaxxanuun daran, calool xanuun, lug xanuun, ama neefsiga oo gaabta saddex todobaad kaddib talaalka waa in ay la xiriiraan bxiyahooda daryeelka caafimaadka.

Marka la fiiriyo taladaan, talaalada COVID-19 ee mRNA-da ka samaysan ayaa laga door bidaa talaalka J&J, laakiin J&J ayaa wali ah khiyaar u furan dadka aan awoodin in ay qaataan talaalka mRNA-ga ah.

Sidee ayuu Talaalku U shaqeeyaa?
Expand to read FAQ answer
Sidee ayay talaalada mRNA-da ah ee COVID-19 (Pfizer iyo Moderna) u shaqeeyaan?

Dhammaan talalada COVID-19 waxay “tababaraan” hanaanka difaaca si uu u garto, u weeraro una burburiyo waxa yar ee fayraska ah. Kani waa qaabka hanaankaaga difaacu u “ogaanayo cadowga” kaddibna si dhakhso ah uu uga jawaabo asaga oo keenaya mowjado unugyo difaac ah si uu fayraska dhabta ah uga adkaado mustaqbalka.

Talaalada  Pfizer iyo Moderna waxay u shaqeeyaan ayaka oo keenaya fariinsideyaal RNA  (mRNA) ah unugyada murqaha. Unugyadu waxay samaysanayaan kuwo badan oo lamid ah borotiinka caaradda leh ee COVID-19, taasoo dhalinaysa in jirku samaysto jawaab difaac oo uu isku ilaalinayo. mRNA-da si dhakhso ah ayay u baaba’aysaa, sababtoo ah unugga ayaa u burburinaya qaybo yaryar oo aan dhibaato lahayn dhowr maalin kaddib. mRNA waa mid dhakhso u burburi karta, taasoo ah sabab kamid ah sababta talaalka Pfizer loogu hayo qaboojiyeyaash aadka u qabow. Kuma jiro “fayras nool” talaalka COVID-19 amase wax kale oo khatar leh, taasoo ka dhigaysa talaalka COVID-19 mid ammaan u ah shakhsiyaadka uurka leh iyo kuwa naasnuujinaya.

Isha: CDC:  Fahmidda Talaalada COVID-19 ee mRNA-da ah

Noocyada, Irbadaha xoojiya difaac jirka, iyo Caabuqa Ka horeeya COVID-19
Expand to read FAQ answer
Waxaa ihu dhacay COVID-19. Wali ma u bahanahay talaalka?

Haa. Marka loo barbardhigo caabuqa caadiga ah, talaalku wuxuu jirka ku dhalinayaa in uu samaysto antibody-yo difaac oo awood badan, kuwaas oo si guul ah loogu gudbinayo uurjiifka xiliga uurka. Dad badan ayaa la xanuusaday COVID-19 wax ka badan hal jeer, taasoo u muuqata in ay tahay xaalad ka dhalatay jawaabta difaaca oo liidata oo ka imaanaysa caabuqa dabiiciga ah.

Ka waran haddii aan talaalka qaato aana ka gudbo caabuqa COVID-19 xiliga uurka?

Cudurkaagu wuxuu u muuqdaa mid aad u fudud xaaladaha qaarna, dadku maba lahan wax astaamo ah gabi ahaanba dhammaan kuwa ka gudba caabuqa. Tan micnaheedu waa in talaalkaagu shaqeeyay – wuxuu kahortagay xanuun daran oo ku dili lahaa ama sababi lahaa natiijo xun oo ku timaadda uurka. Daraasado qaar lagu sameeyay dadka uurka leh ee isbitaalada loo dhigay COVID-19 dartiis, 97% waxay ahaayeen kuwo aan talaalnayn.

Isha: CDC: Talaalka COVID-19 ee loogu tala galay Dadka Uurka leh si Looga hortago Xanuun  Daran, Dhimasho, iyo Natiijo Xun oo Uur oo ka dhalata COVID-19

Xaq ma u leeyahya mase tahay in aan qaato irbadaha xoojiyaha ah ee COVID-19?

Haa. Irbadda xoojiyaha ah waa lagu talinayaa xiliga uurka. Haddii aad 5 bilood moogtahay qaybtaadii labaad talaalada COVID-19 ee Pfizer ama Moderna uurna aad leedahay, waxaa la joogaa xiligii aad qaadan lahayd irbaddaada xoojiyaha ah. Haddii aad 2 bilood moogtahay talaalkaagii Johnson & Johnson, waxaa la joogaa xiligii aad qaadan lahayd irbaddaada xoojiyaha ah. Waxaad irbaddaada xoojiyaha ah ee COVID-19 qaadan kartaa marxalad kasta oo uurka ah. Arintaani waxay gacan  ka gaysanaysaa in ay difaacaagu helo xasuus dheeraad ah si uu u sii wado in  uu ka difaaco adiga iyo canuggaaga khatarta COVID-19. Qaadashada irbadda xoojiyaha ah ee COVID-19 marka aad xaqa u  leedahay waxay aad muhiim ugu tahay in ay adiga iyo canuggaaga laga difaaco  xanuun daran.

Isha:
•  
American College of Obstetrics and Gynecology: Coronavirus (COVID-19), Uurka,  iyo Naasnuujinta: Fariin ku socota Bukaanada
•  Society for Maternal Fetal Medicine (SMFM): Waxyaabaha Daryeelbixiyuhu  Tixgalinayo Marka uu La tacaamulayo Latalinta Talalaka COVID-19 ee Bukaanada  Uurka leh iyo Kuwa naasnuujinaya
•  American Society for Reproductive Medicine (ASRM): Maaraynta Bukaanka iyo  Talooyinka Caafimaad Inta lagu jiro Safmarka Coronavirus (COVID-19)

Waa tee irbadda difaaca xoojisa ee COVID-19 ee aan qaadanayo?

CDC waxay ku talinaysaa in qofku qaato irbadaha xoojiyaha ah ee loogu tala galay COVID-19 ee hadda la heli karo. Wakhtiga loogu tala galay irbadaha difaaca xoojiya iyo nooca irbadaha xoojiyaha ah ee aad qaadanayso waa ay isbadalayaan waana wareegayaan. Fadlan hubi macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsan irbadaha xoojiyaha ah ee ka imaanaya CDC.
Isha:
• CDC: Irbadaha  Difaaca xoojiya ee COVID-19 , Isbarbardhigga  Waxtarka Talaalada Moderna, Pfizer-BioNTech, and Janssen (Johnson &  Johnson) ee Kahortagga Isbitaal dhigidda ku imaan karta Dadka waaweyn ee Aan  qabin Xaaladaha Difaacoodu liito
• medRxiv: Heterologous SARS-CoV-2 Warbixinta Hordhaca ah ee -  Irbadaha xoojiyaha ah, Talaalada

Maxaan ka ognahay noocyada cusub ee fayraska COVID-19 iyo  natiijada ka dhalata uurka?

howrkii bilood ee kasta waxay u muuqataa in aan la dagaalamayno nooc cusub oo fayraska COVID-19 ah. Marka la eego xaaladda nooca Delta, dadka uurka leh ee uu ku dhaco noocaan COVID-19 ka ah waxaa la soo sheegay in ay khatar 2-4 jeer ka badan ugu jiraan xanuun daran, dhicis una baahan yihiin in lagu xiro neefsiiye. Haddii noocyada cusub ee COVID-19 ay sababaan caabuqyo badan ama yar iyo cudur daran xilga uurka iyo haddii kaleba waxay qaadan doontaa wakhti lagu xaliyo. Maadaama shakhsiyaadka uurka leh ay kamidka yihiin kooxaha khattarta ugu badan ugu jira cudurka COVID-19 ee daran iyo dhimashada, waa mid aad muhiim u ah in ay is talaalaan, ay qaataan irbadaha xoojiyaha ah ee talaalka markay u qalmaan, taxaddar adiga oo maaskaraha xiranaya, bulshada ka fogaanaya “neeftaadana” yaraynaya.

Xiliga Caadada iyo Dhalmada
Expand to read FAQ answer
Ma jiraa xiriir ka dhexeeya talaalka COVID-19 iyo caadada wakhtigeedu is badalayo?

Arintaan waa la daraaseeyay, laakiin waxay u muuqataa in ay tahay mid dhif iyo naadir ah.  Isbadalka ku yimaada xiliga caadadu wuxuu dhici karaa wax ka yar 1% shakhsiyaadka waana mid cimri gaaban. Gudaha Boqortooyada Yurub, in ka badan 49.1 milyan oo dumar ah oo la talaalay waxaa jiray 41,332 war oo ku saabsan in ay jirtay isbadal dhanka wareegga caadada ah oo suurogal ah (0.0008%).

Xiliga caadada caadiga ah waa mid u kala duwanaan kara qofba qofka kale iyo bilba bisha kale. Jimicsiga, cutada iyo xataa welwelka ayaa badali kara xiliga caadada, sidaa silamid ah daawooyin badan oo ay kamid yihiin kuwa dhalmada lagu xakameeyo. Daraasado dhowr ah oo laga sameeyay wadamo kala duwan ayaa muujinaya in welwelka dhanka maskaxda ah ee cudurka safmarka ah uu kordhiyay isbadbadalka caadada dumarka. Daraasad lagu sameeyay 127 dumar ah oo qabta cudurka COVID-19, 16% ayaa isku arkau isbadalo ku yimid wareegga caadadooda, taasoo inta badan loo soo gudbiyo in ay tahay caado aan toosnayn. Waxa xiisaha leh ayaa ah, dumarka soo sheegaya astaamaha badan ee COVID-19 waxay u muuqdeen kuwo leh caado aan caadi ahayn. Gunaanadkii, waxay u muuqataa in caadada aan toosnayn sida guud laga soo sheego kaddib cudurka COVID-19 (16%), khaasatan marka dumarku xanuunsan yihiin, weyna yartahay kaddib talaalka COVID-19 (<1%). Cilmibaaris  dheeraad ah ayaa wali lagu samaynayaa mowduucaan.

Isha:
Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Koritaanka Caruurta (National Institute of Child Health and Development) (NICHD): NIH waxay maalgalisaa daraasadaha lagu qiimaynayo saamaynada dhici kara ee talaalka COVID-19 ee ku imaan kara caadada
• American Journal of Obstetrics & Gynecology (AJOG): Caabuqa SARS-CoV-2 iyo isbadalada daba socda ee wareegga caadada ee ka qaybqaateyaasha daraasadda Arizona CoVHORT
•  Frontiers in Endocrinology: Saamaynta uu Safmarka COVID-19 ku yeeshay  Caafimaadka Taranka Dumarka
• The  Journal of Obstetrics and Gynaecology Research: Saamaynta ay arimaha  caafimaadka maskaxda ee COVID-19 la xiriira ku yeesheen dabeecadaha wareegga  caadada ee bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka
• The Journal of Obstetrics and Gynaecology: Saddex xagalka  COVID, welwel iyo wareegga caadada